Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweyey Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow soo gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Sidoo Madaxweynaha ayaa salaanka ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Ahlu sunno, Mr Xaaf ayaa Saxaafadda u sheegay inuu u yimid caasimadda dhameystirka Midowga Galmudug iyo Ahlu sunna.

Madaxweynaha ayaa waxaa hortaal howl culus, iyadoo dhawaan soo ifbaxay kala aragti duwanaansho u dhaxeeya isaga iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa inta badan waqtigiisa ku qaata magaalada Muqdisho, arintaas keentay dib u dhac howshii loo igmaday.

Sawir Qaade : Cabdullaahi Warsame