Paul Pogba Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Juventus

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inay u furan tahay inuu ku laabto Juventus.

Sannadkii 2016, United ayaa bixisay lacag  rikoorka suuqa kala iibsiga si ay u hesho Pogba oo kaga yimid kooxda Talyaaniga, laakiin 25 jirkaan ayaa kooxda Old Trafford u dhaliyay 15 gool 88 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Pogba ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo United, sida laga soo xigtay Tuttosport, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaan ka hor imaaneynin inuu ku laabto magaalada Turin.

Wargeyska ayaa soo jeedinaya in Pogba uu xiriir la sameeyay kooxda heysata horyaalka Serie A, waxaana lagu soo waramayaa inuu ku faraxsan yahay saxiixa Cristiano Ronaldo.

Pogba – oo  ku guuleystay Koobka Adduunka – weli wuxuu heystaa seddex sanno oo heshiiskiisa uga harsan