Waxaa faafaahino dheeraad ah laga helayaa dagaal galabta ka dhacay deegaanada maamiye ee u dhaxeysa Caad iyo Camaara degmada Xarardheere gobolka Mudug.
Dagaalka oo dhowr jeer dhacay ayaa Alshabaab waxaa kasoo gaaray jab xooggan, waxaana la sheegay in laga dilay in ka badan 10 askari. Dhaawacyo badan oo ah ciidanka Alshabaab ayaa la geeyey degmada Xarardheere. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in alshabaab dagaalka looga dilay saraakiil hogaaminaysay dagaalka.
Dhanka kale ciidanka deegaanka ayaa waxaa dagaalka ug dhintay 3 askari, hal dhaawac ah. Dagaalka ayaa soo gaaray galabta casir liiqii. Waxaana laba ciidan isku jiraan masaafo isku dhow.
Dagaalka ayey suurtagal tahay inuu dib u qarxo beri subax, waxaana socda barakaca dadka rayidka ah. Maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid indhaha ka eeganaya dhibaatada lagu shacabka dagan koofurta gobolka Mudug.