Madaxtooyada Galmudug oo Beenisay Warqad lagu Baahiyey Baraha Bulshada

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku beenisay warqad ay sheegtay in ay  been abuur tahay oo lagu faafiyey baraha bulshada.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ku sixiixnaa war-saxaafadeedkan ayaa yiri: ” Xafiiska Agaasinka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu si cad u beeninayaa hadal dhawaan lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in arrimo ciidan awgeed oo laxiriira weerarkii dhawaan lagu qaaday ciidamada Galmudug ee kadhacay deegaanka Jeexdin, laguna sheegay inay ku dhex milan yihiin waxa loogu yeeray Al-shabaab in loo hakiyey hawlihii shaqo ee Hey’adaha Dowligaa ay tahay mid aan waxba ka jirin, balse loo hakiyey dar dar galinta hawlaha doorashooyinka ee haatan lagu guda jiro”.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Warqadaha kasoo baxaya Madaxtooyada Galmudug  ay leeyihiin sumad iyo qaab gaar u ah oo si sahlan loo ogaan karo warqad kasta oo ka baxda xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

HALKAAN KA AQRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Comments are closed.