In ka badan 150 ergo, oo ka kala socota degmooyinka Gobolka Gedo, ayaa magaalada Dooloow ee Maamulka Jubbaland, waxaa ugu soo gabagaboobay shir Wadatashi iyo Gorfeynta Khilaafaadka Nabadda iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo.
Waxaa shirka soo qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland, oo kaashanaysa hey’adda TIS+. Waxuuna noqonayaa Shirkii ugu horeeyay ee Nuucaana ee lagu qabto Dhulka Jubbaland dadkii kasoo qayb galay ayaana Sheegay inay soo Dhawaynayaan Qabashada Kulamada caynkaan ah.
Ugu dambeyntii shirka waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin: In la dhiso golayaasha degmooyinka gobolka, In la xoojiyo garsoorka iyo amniga gobolka, In laga shaqeeyo dib u heshiisiinta degmooyinka gobolka Gedo, In doorka dumarka iyo dhalinyarada ee Siyaasadda la dardargaliyo iyo qodobo kale.
Hoos ka DAAWO Sawirrada