Sida ay baahisay Idaacadda Ciidamada SNA Radio Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) uu isniintii 25 June 2018 ku geeriyooday degmada Jilib gobolka Jubbada Hoose.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad oo lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Idaacada codka Ciidamada Milateriga ayaa sheegay in Axmed Diiriye uu geeriyooday Isniintii la soo dhaafay.
“Hoggaamiyaha Al-Shabaab isniintii ayuu kuu geeriyooday degmada Jilib ee Jubadda Dhexe, sida aan ku helnay xogo ilo sirdoono shisheeye ah”ayuu yiri Sarkaalkan oo intaa ku daray in muddo sanad ku dhow uu xanuunsanayay.
Ururka Alshabaab ayaanan wali ka hadlin dhab ahaanshaha geerida hogaamiyahooda, sidoo dowladda Soomaaliya ayaanan si rasmi ah uga hadlin arintaan.
Axmed Diiriye ayaa hoggaanka Alshabaab qabtay bishii December 2014, kadib markii la dilay hogaamiyhii Alshabaab xiligaas Axmed Godone.
Axmed Godane
Hadii ay xaqiiqo noqoto geerida Axmed Diiriye waxaa loo badinayaa in Hogaamiyaha xigga ee Alshabaab ay ku soo bixi doonaan laba nin midkood. Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxda Xafiiska Siyaasadda iyo Maaliyadda Alshabaab, iyo Mahad Karate oo ahaa Madaxa Amniyaadka iyo tababarada Alshabaab.
Xuseen Cali Fiidow
Mahad Karate