Ticeey” Waa inaan ka Masayrno Puntland

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynihii Hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey oo ugu horay Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka Puntlanad Saciid Cabdulaahi Dani ayaa sidoo kale iftiimayay Cashar ay ka baran karaan Siyaasiinta Galmudug Hanaanka Maamul iyo Isku Duubni ee ka jirta Degaanada Puntland  Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan

“Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Shacabka Puntland Iyo Sxbkey M/weyne Saciid Deni sida sharafta iyo quruxda leh ee ay Doorashada iyo caleemasaarka u dhaceen.Marka labaad waxaan cafis ka dalbaneynaa Shacabka Galmudug, oo hadaan nahay siyaasiintii, culumadii, aqoonyahanii, waxgaradkii GM aanu gabnay oo aan ka reebnay qayrkood. waxaan leeyahay aan ka maseyrno walaalaheen/dariskeena oo GM waa na deeqdaa ee aan isku tanaasulno Shacabka GM aan u hiilino. Guul Gobanimo

Hadalka Tiiceey ayaa imaanaya Ayadoo Galmudug ay daris la noqotay Khilaaf Daba dheerayday oo Shacabka Degaanka u diiday Hormar iyo Helitaanka Adeeg Dowlad, Siyaasiinta Degaanka ayaa u muuqda kuwo Dantooda ka hormarinaya inay Galmudug ka saaran Dhibaatada iyo Khilaafka Cadaada ka noqday.