(Sawirro) Ciidanka Xooga Dalka oo Xarun Cusub ka Dhagax Dhigtay Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Munaasabada dhagax dhiga oo lagu qabtey halka laga dhisayo Xarunta cusub ee Taliska Qeybta 21aad taasi oo ka mid noqoneysa Xeryaha Taliska u ah Qeybta waxaa goob joog ka ahaa Taliska Police ka Galmudug, Xildhibaano , Maamulka Dagmada Cadaado iyo Saraakiisha Ciidamada Qeybta 21aad.

Taliyaha Qeybta 21aad S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed “Kaanti” oo goobta hadal ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay maamulka Dagmada cadaado sida ay ciidamada Xooggga ugu wareejiyeen Dhulka Xerada laga dhisayo taasi oo qayb ka qaadaneysa Hormarinta Ciidamada iyo in la helo goob ku filan Deegaan ahaan Ciidanka Xoogga Qeybtooda 21aad.

Maamulka dagmada Cadaado iyo saraakiisha Police ka ayaa madasha ka balan qaadey in ay Garab ku siinayaan Taliska Qeybta 21aad sidii xeradan loo dhisi lahaa waliba sida ugu hagaagsan .

Xarunta Taliska Qeybta 21aad ee Rasmiga ah Ayaa ku taala Magaalada Dhuusamareeb walow si ku meel gaar ah dhowr sanadood uu Talisku u Daganaa magaalada cadaado Walina ah Xarunta Taliska .