Askari Jabuutiyaan ah oo lagu dilay Magaalada Buuloburde

Wararka Maanta

Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl galka AMISOM ayaa maanta lagu dilay magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askariga lagu dilay bartamaha magaalada, goob lagu shaaho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhacdo ka horeysay dilka ay ka dhacday Suuqa Qaadka Buulo Burde, kaddib markii Haweeney Qaad ka ganacsata oo deyn ku laheyd askari Jabuutiyan ah ay kuleetiga qabatay, iyadoo askariga uu dharbaaxay haweeneyda.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ka carooday falkan, waxaana gacan ula tagay askariga kale ee Jabuutiyaanka, waxaana intaas wixii ka dambeeyay ay sababtay xiisad soo kala dhex gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la jirdilay ee Jabuutiyaanka uu u yeertay ciidamo kale, waxaana ay iyana jirdileen askarigii Soomaaliga ahaa ee horay u gacan qaaday askariga Jabuutiyaan.

Askariga Jabuutiyaanka ayaa markii dambe lagu dilay meel u dhow goob lagu shaaho, waxaana la ogeyn cida ka dambeysay dilka iyo hadii dhacdadan ay qeyb ka aheyd murankii iyo gacan ka hadalka dhex maray Askariga Jabuutiyaanka iyo midka Soomaaliga ahaa.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Buulo Burde, iyadoo uu socdo howl gal lagu baadigoobayo askariga looga shakisan yahay inuu dilka ka dambeeyay, kaasoo la sheegayo inuu baxsaday.