Daawo: Wasiir Odawaa oo xalay Marti ku ahaa Barnaamijka Daah Furnaan ee Universal TV

Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa xalay Marti ku ahaa Barnaamijka Daahfurnaan sabti kasta ka baxa Telefishinka Universal.

Barnaamijka ayaa waxaa ciwaan looga dhigay FEDERAALKA IYO SOOMAALIYA waxaana wasiirku ku faafaahiyey halka uu marayo baahinta dowladnimada, iyo dhismaha maamul goboleedyada, waxaana bulshadii kulanka ka qeyb gashay weydiiyeen wasiirka su’aalo kala duwan.

Wasiirka Ayaa sidoo kale ka warbixiyey waxqabadkiisa intii uu wasaaradda joogay, waxaana sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey federaalka oo u ku tilmaamay in uu dadka u dhaweeyey matalaada siyaasadeed, isagoo tusaale u soo qaatay in maanta la marayo in xildhibaanadu cod kalsoonida ka doontaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Halkaan ka daawo Barnaamijka oo dhameystiran.

Comments are closed.