Chelsea Oo Saxiix Weyn Sameynaysa Bisha Janaayo

Ciyaaraha

3b4cfbd100000578-0-image-a-9_1481969505115

Chelsea ayaa lagu soo  waramayaa in uu diirada u saaranyahay xidiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti  marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

24-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa kooxda waxa uu ku egyahay xagaaga 2021, laakiin macalin Conte ayaa doonaya inuu sii xoojiyo  naadigiisa qeybta danbe ee xili ciyaareedka taaso sii xoojinaysa rabitaankiisa ciyaaryahankan.

sida laga soo xigtay Daily Mail, naadiga Chelsea ayaa diyaar la ah qarash dhan £40m, si ay u hesho Verrati, iyadoo ay iska fasixi doonto Oscar oo laga doondoonaayo horyaalka shiinaha.

PSG ayaa hada fadhisa kaalinta sedexaad ee horyaalka faransiiska, Marco Verratti ayaa kasoo muuqday in ka badan 115 kulan tan iyo markii uu kusoo biiray 2012.