Bacary Sagna ayaa heshiis la gaaray kooxda Benevento ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sagna ayaa ka soo tagay Manchester City dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana sidoo kale lala xiriirinaayay Crystal Palace 34-jirkaan.
Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii bishii lasoo dhaafay, daafaca dambeedka midig ayaa la sheegay inuu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Benevento, kooxda Serie Ada ayaa haatan xaqiijisay heshiiska.
Bayaan ay soo saartay kooxda ayaa lagu sheegay in Bacary Sagna in kooxda hishiis rasmi ah la gaartay islamarkaana uu sii googaayo inta ka dhiman xili ciyaareedkan.
Sagna ayaa ku soo bilaaban doona kulanka Benevento uu u safri doono Roma 11ka Febraayo.