Mid ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud oo Muqdisho lagu dilay

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Agagaarka Buundooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan halkaasi ay ku dileen qof Shacab ah.

Sidda ay saxaafadda u xaqiijiyeen dadka degaanka ninka la dilay ayaa waxaa dilay kooxo watay gaari yar, waxaana ruuxaasi uu ka mid ahaa Shaqaallaha Shirkadda Hormuud , waxa ay ku dhex dileen Laanta Shirkadda Hormuud ee Buundooyinka.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Suleymaan, waxaana uu ka mid ahaa dadka kunool degmada Waabari.

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda sidda ninkii waardiyaha Ahaa ee Iridda joogay.