Karim Benzema Oo Ku Faraxsan Real Madrid

Ciyaaraha

Wakiilka Karim Benzema Karim Djaziri ayaa qirtay in ay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya inuu ka dhaqaaqi doono kooxda weeraryahanka reer France xagaaga soo socda, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay Real Madrid mana doonayo inuu ka tago.

29 jirkaan ayaa 8dii sanno ee u danbeysay ku qaatay caasimada Spain, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu saxiixay bishii lasoo dhaafay, taasoo ka dhigaysa inuu sii joogo ilaa 2021.

Taas ayaa soo afjaraysa mustaqbalkiisa Premier League mustaqbalka, si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa si joogta ah u tilmaameysa inay u dhaqaaqeyso xidigii horay ee Lyon .

Djaziri ayaa mar kale isku dayay inuu soo gabagabeeyo wararka la isla dhexmarayo, isagoo u sheegay Sky Sports News: “Benzema aad ayuu ugu faraxsan yahay Real Madrid, si buuxda looma doonayo inuu ka tago kooxda.”

Isbuucii lasoo dhaafay kulankii furitaanka ee Getafe ayaa ahaa Benzema goolkii ugu horeeyay ee La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo sidoo kale goolka guusha u dhaliyay kooxda Supercopa de Espana bishii August.