Neymar Oo Ka Haray Kooxda Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu ka haray kooxda Paris Saint-Germain ee u safreysa Montpellier berri.

Saxiixa rikoorka adduunka ah ayaa la arkayay isagoo la murmaya saaxiibkiisa Edinson Cavani intii lagu jiray kulankii isbuucii hore ay ka badiyeen Lyon, madaama labada nin ay ku doodeen qofka qaadan lahaa rigoore loo dhigay.

sheekada ayaa ka sii dhex socotay qolka labiska, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil la sheegay in uu dalbaday in Cavani laga iibiyo marka suuqa kala iibsiga dib u furmo.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, Neymar ayaa haatan laga saaray ciyaarta Montpellier sababtoo ah “dhaawac yar oo cagta ah”, inkastoo lagu sawiray tababarkii Khamiistii.

Weeraryahankii hore ee Barcelona ayaa la rajeynayaa inuu taam u noqon doono kulanka PSG ay la ciyaarayaan Bayern Munich habeenka Arbacada.

W/Q Hafsa haji