Muxuu Farmaajo uga baaqaday furitaanka Kalfadhiga 5aad Aqalka Sare?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka,isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad. Sababaha uu […]

Continue Reading

Eng. Yarisow oo faray Laamaha Amniga in lasoo qabto Askarigii dilay Bajaajlaha

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku […]

Continue Reading

Xildhibaano gudbiyey Mooshin deg deg ah

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan u gudbiyey mooshin deg deg ah. Xildhibaanadan ayaa gudoomiyaha ka codsaday Mooshinkan lagu daro ajendaha Fadhiga 1aad ee kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka. Mooshinkan ayaa ka hadlaya xaaladda ammaanka Dalka, waxaana saxiixay 17 xildhibaan.

Continue Reading

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo la xiray

Inta badan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Sabti ah xiran, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamada ayaa xiray isgoysyada sida Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Dabka iyo kuwa kale oo isku xira jidadka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, waxaana wadada bartankeeda lagu jaray gaadiidka dagaalka. Waddooyinka […]

Continue Reading

Sabriye oo Muqdisho ku laabtay isagoo gacmo maran

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saaka si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Muqdisho, wasiirka oo shalay barqadii soo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo isdaba joog ah la yeeshay Madaxda Galmudugta Dhuusamareeb iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud. Kulamadii ugu dambeeyey ayaa dhacay xalay, waxaana wasiirku kulan la […]

Continue Reading

Maxaa kasoo baxay kulamadii Dhuusamareeb?

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Dhuusamareeb, wasiiro, iyo qeybaha bulshada. Sabriye ayaa intaas kadib loo galbiyey Xarunta Gobolka oo uu kula kulmay Axmed Ducaale Xaaf, iyo Sheekh Maxamed Shaakir. sidoo kale wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Axmed […]

Continue Reading

Wasiirka Cadaaladda DFS oo Furay Dood Wadaag Dhibaatooyinka Musuqmaasuqa

Kulankan dood wadaaga ah ee Dhibaatooyinka Musuq Maasuqa iyo sida loo hormarin karo howlaha dowladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana uu socon doonaa 2 maalin […]

Continue Reading

Xukuumadda Soomaaliya oo Gurmad Dhaqaale ka dalbatay Qadar

Sida ku cad warqad codsi ah oo wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow u diray Ra’iisulwasaaraha Dalka Qadar ayuu kaga codsaday gurmad dhaqaale oo deg deg ah. Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay warqaddan oo ku taariikheysan 20 Maarso 2019, waxaana Wasiir Islow ku sheegay warqadda in Dowladda Federaalka ay awoodi weysay bixinta mushaaraadka ciidamada […]

Continue Reading