Akhriso: 13 faa’iido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo Liin dhanaanta.

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Halkaan ka akhriso 13 faaido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo liin dhanaanta.

  1. Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya hab dhiska difaaca jirka.
  2. Liin dhanaanta waxaa ku jira pectin fiber oo faaido weyn u leh caafimaadka mindhicirka weyn, sidoo kalana bakteeriyada la dagaalama.
  3. Aroorta hore oo la cabo biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay jirka ka saaraan sunta.
  4. Liin dhanaantu waxay daawaysaa qabowga.
  5. Liin dhanaantu waxay caawisaa dheefsiidhka waxayna yaraysaa laab dilaaca iyo dibirada.
  6. Waxay yaraysaa Macdanta potassium ee ku jirta liin dhanaanta waxay nafaqaysaa unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.
  7. Cabista biyaha liin dhanaanta waxay isku dheeli tiraan heerarka pH-ka jirka.
  8. Liinta dhanaan waxaa ku jira xadi aad u sareeya oo faytamiin C ah kaaso gacan weyn ka gaysata kicinta iyo sifaynta beerka iyo in suntu raacdo biyaha.
  9. Liinta waxay hodan ku tahay vitamin C oo hoos u dhiga laalaabka maqaarka, vitamin C-gu waxa uu dhalaaliya maqaarka waxaana u dilaa bakteeriyada dhalisa finanka.
  10. Liin dhanaantu waxay carfisaa afka, waxayna yaraysaa ilko xanuunka iyo yiridka.
  11. Biyaha liin dhanaanta waxay hagaajiyaan caafimaadka indhaha.
  12. Cabista biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay hoos u dhigaan miisaanka jirka.
  13. Waxaad u baahantahay koob biyo diiran ah, korka uga tuuji 1 ama 2 xabo oo liin dhanaan ah.

Xigasho:-Daryeel Magazine