Muxuu Farmaajo uga baaqaday furitaanka Kalfadhiga 5aad Aqalka Sare?

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka,isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad.

Sababaha uu kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo Amni oo jira,balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan sii faah faahin. inkastoo ila xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen khilaaf xooggan ka dhex jiro Madaxweyne Farmaajo iyo Aqalka Sare, Farmaajo ayaa doonaya in Guddoonka Aqalka Sare noqodo sida Gudoonka Golaha Shacabka oo si toos ah uga amar qaata.

inta uusan furmin kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare ayaa waxaa jiray jahwareer ka dhashay cida fureysa kal-fadhiga, iyada oo guddoonka iyo senatorada qaar ay diidanaayeen in uu Ra’iisul Wasaaraha furo wallow markii dambe xal laga gaaray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa tira ka dhowr jeer ka baaqday furitaanka kal-fadhiyada Golaha Aqalka Sare,waxaana xusid mudan in Xildhibaanada labada Aqal aysan xilligaan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn.