Isbadal lagu sameeyey Taliyayaasha Booliska G. Banaadir

Isbedelkii ugu weynaa oo mar qura dhaca ayaa lagu sameeyay Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday taliye qeyb, ku xigeen iyo 10 taliye saldhig Boolis oo ka mida saldhigyada Booliska G/Banaadir. Taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada Booliska ayaa u badan sarkaaiil dhalinyarro ah oo ka yimid Nabadsugidda. Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkii u Joogay Geneva.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loogu yeeray Faaduma Cabdullaahi Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliye ee Magaalada Geneva. safiiradda ayaa lagu amray in ay muddo aan ka badneyn hal isbuuc kusoo gaarto Xarunta Wasaaradda Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Faadumo C/llaahi Maxamuud (insaaniya) ayaa aha wakiil Soomaaliya ee Xarunta […]

Continue Reading

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Alshabaab

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Horjooge kooxeed ka tirsan Amniyaatka Alshabaab, waxuuna ahaa horjooge koox shabaab ah oo qaabilsan Khaarijnta, sida lagu baahiyey wakaaladda SONNA. Horjoogahan  ayaa  la sheegay inuu ka danbeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar leh. Waa hawlgalkii sadexaad oo […]

Continue Reading

Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis kala Saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Heshiis kula saxiixday dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho. Soomaaliya iyo Turkey […]

Continue Reading

Wasiir Sabriye: ” Doorashada Galmudug waqtigeeda ayey ku dhaceysaa”

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aaddan doorashooyinka Galmudug. Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka wasaaraddan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in doorashadaasi ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee ah bisha July ee sanadkan. Wuxuu wasiirka sheegay wixii intaa ka horreeya ay ku dedaalayaan sidii loo heshiin lahaa, islamarkaana […]

Continue Reading

Xaaladda Degmada Balcad ee gobolka Sh. Dhexe

Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxaa dagaal ku soo qaaday ururka Alshabaab, waxaana ay dagaal kala kulmeen ciidanka dowladda ee halkaas ku sugnaa. inkastoo markii dambe Alshabaab gacanta ku dhigeen xaruntii degmada iyo saldhigga booliska, halkaas oo ay ka sii daayeen Maxaabiis ku jirtay. Ciidanka Dowladda ayaa dib ugu gurtay warshadda Dharka […]

Continue Reading

Hogoomiye Burcad badeed oo lagu dilay Mudug

Mid ka mid Hogaamiyeyaashii burcad badeeda Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay deegaanka Docol ee degmada Gaalkacyo gobolka Mudug. Ilo ammaan ayaa inoo xaqiijiyey in Maleeshiya kasoo jeeda Koofurta Gaalkacyo ay Maxamed Cabdi Garaad ku dileen halkaas, kadib markii ay kala dageen gaari uu la socday oo ka yimid degmada Hobyo. Dilkan ayaa dhacay xalay saq […]

Continue Reading

Farmaajo iyo Geelle oo xarigga ka jaray safaaradda Jabuuti

Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya. Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho […]

Continue Reading

Madaxweynaha Jabuuti oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dhisayo waddo isku xirta Baladweyne iyo Garoowe

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday mashaaric waa weyn oo lagu dhisayo waddooyin isku xira gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho oo uu maanta soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow. Muddadii uu shirku […]

Continue Reading