Gudoomiyaha Aqalka Sare oo beeniyey in 29 Sharci loo soo gudbiyey Aqalka Sare

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa beeniyey war uu Reysal Wasaare Kheyre sheegay, oo ahaa in Aqalka Sare loo gudbiyey 29 Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gaaray Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in ay Kalfadhigii 4-aad soo gaartay Aqalka Sare 7 Hindise Sharciyeed oo kaliya, 5 ka mid ahna ay ku meel mariyeen Kalfadhigii hore.

“Aqalka waxaa soo gaaray 7 Hindise Sharciyadeed, waxa uuna meel mariyey shan Hindise Sharciyadeed oo ka mid ah” ayuu Guddoomiyaha Aqalka Sare ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey Xafladda Furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, oo goor dhaweyd lagu soo xiray Xarunta Golaha ee magalada Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in shaqooyin fara badan oo muhiim ah oo u yaala Aqalka Sare Kalfadhigaan 5-aad ay kow ka yihiin meel marinta 2 ka mid ah 7-da Hindise Sharciyadeed ee uu sheegay iney yihiin Hindisayaasha kaliya ee kaga yimid Golaha Shacabka.

“Aqalka Sare waxaa Kalfadhigaan horyaala hawlo fara badan oo muhiim ah, oo dastuuriya” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.  “Waxaa na horyaala meel marinta laba (Hindise) Sharci, oo ka mid ah todobadii (Hindise) Sharci ee naga soo gaartay Golaha Shacabka” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Guddoomiyaha ayaa shacabka iyo Dowladdaba ugu yeeray midnimo, iyada oo uu sheegay in taas lagu gaarayo ilaalinta sharciga, gaar ahaan dastuurka, oo uu xusay in ay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan ku wargeliyeen in ay u soo gudbin doonaan shaqooyinkii laga qabtay 2-dii sano ee ugu dambeysay, taas oo uu sheegay in Kulanka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare lagu gorfeyn doono.

Xigasho: Kalfadhi