Sabriye oo Muqdisho ku laabtay isagoo gacmo maran

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saaka si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Muqdisho, wasiirka oo shalay barqadii soo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo isdaba joog ah la yeeshay Madaxda Galmudugta Dhuusamareeb iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.

Kulamadii ugu dambeeyey ayaa dhacay xalay, waxaana wasiirku kulan la yeeshay Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir iyo Cabdirisaaq Ashcari oo matalayey garabka Ahlu Sunna, waxaana sabriye hordhigay in dowladda Dhexe doonayso in doorashada Galmudug lagu qabti waqtigeeda, iyaguna ay leeyihiin Mudnaan iyo tixgalin gaar ah, arintaas oo ay ka biyo diideen hoggaanka Ahlu sunna, iyagoo ku adkeystay in muddo saddex sano ah ka dhiman tahay doorashada Galmudug. iyo in khilaafka kala dhexeeya Dowaladda ayaa kala hadlayaan kaliya Madaxda Sare ee Dowladda Dhexe.

Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Axmed Ducaale Xaaf, waxaana uu kulankaas ku soo idlaaday natiijo la’aan, inkastoo dad ka agdhow Xaaf ay inoo sheegeen in Axmed Ducaale ay suurtagal tahay inuu la heshiiyo dowladda, laakiin uu hadda qancinayo hoggaanka Ahlu Sunna.

ilaha aan soo xiganay ayaa sheegay  in Xaaf uu daneynayo inuu wada xaajood Madax banaan la yeesho wasiir Sabriye ama madaxda kale Dowladda, waxaana suuragal ah in ay kulamadaas ka dhacaan Gaalkacyo ama Xamar, si loo xaliyo tabashada dhex taala, shuruudda ugu weyn ee Xaaf wato ayaa ah in loo fasaxo lacag ka xayiran Galmudug.

Sidoo kale waxaana qabsoomin kulamo wasiirku la yeelan lahaa qeybaha bulshada, arintaas oo ay ka biyo diideen Madaxda Ahlu sunna, Bulshada ayaa intoo badan taageersan in Doorashada Galmudug waqtigeeda lagu qabto, ayna ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale Wasiirka ka hor istaagay booqasho uu ku tagi lahaa degmooyinka Guriceel iyo Xeraale, wasiirka ayaa daneynayey inuu la kulmo Ugaaska Ceyr iyo Odayaasha Dhaqan, sidoo kale inuu soo qiimeeyo dhibaatadii ka dhalatay colaadii Xeraale.

Wasiir Sabriye ayaa isagoo gacmo maran saaka 8:00 subaxnimo u duulay Muqdisho, waxaana arintaan niyad jab ku riday Bulshada Galmudug oo ka dhursugayey in isfaham laga gaaro khilaafka ragaadiyey Galmudug.