Barlamaanka Hirshabeelle oo waqti dherad ah ugu daray Cali Cosoble inuu ku soo dhiso Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa loo kordhiyay Waqtiga uu kusoo xulaayo wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeelle. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa labo bilood ugu daray Madaxweynaha Hirshabeelle Waqtiga uu kusoo dhisayo Wasiirada. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uusan la dhaafin labadaasi bilood […]

Continue Reading

M/ ku xigeenka Puntland iyo R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay in la dulmay beelaha daga waqooyiga Soomaaliya (Cadeyn)

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in lagu dulmay saami qeybsiga aqalka sare, iyagoo sheegay in ay aheyd in ugu yaraan goboladaas la siiyo 33% xubnaha aqalka sare, maadaama Soomaaliya ka kooban tahay laba gobol oo midoobay waqooyiga Soomaaliya iyo koofurta Soomaaliya. Siyaasiyiinta kulankan ka qeyb galay […]

Continue Reading

Gabdhaha Galmudug oo 36 dhibcood ku badiyey ciyaartii galabta (Sawirro)

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa ka socda Tartanka kubadda koleyga gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galay ilaa 6 kooxood oo kala ah : Galmudug, Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, Benaadir iyo kooxda Bilan oo buuxisay booska kooxdii Koofur Galbeed. Gabadha Matalayey dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta  36 dhibcood uga adkaaday gabadha […]

Continue Reading

Diyaaradii laga afduubay Liibiya oo laga dajiyay Malta (Sawirro)

Diyaarad rakaab oo laga leehay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay inay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah. Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad gudaha dalka ah, Waxaa hadda ku hareereysan ciidammo. Waxaa sidoo kale garoonka […]

Continue Reading

Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

Dagaal kooban ayaa saaka ka dhacay magaalada Galkacyo, waxaana ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ku dagaalameen saldhiga ciidamada Booliska Galmudug ku leeyihiin Galbeedka Magaalada. Sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal ciidamada Maamulka Puntland ayaa dagaal ku qaaday Saldhigaas, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada Galmudug ee saldhiga ku sugnaa, xaalada ayaa hadda dagan kadib […]

Continue Reading

Wasiir Odawaa, Xildhibaan Saabir iyo Senator Bukhaari oo deeq gaarsiiyey dadka Abaartu saameysay (Sawirro)

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federaalka DFS Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Saabir Nuur iyo Senator Abshir Bukhaari ayaa deeq gaarsiiyey dadka ay saameysay abaarta ka jirta tuulooyinka hoos yimaada degmada Cadaado. Xildhibaanadan laga soo doortay degmada Cadaado ayaa ugu deeqday dadkaas 20 kun dollar, lacagtaas ayaa dadkaas loogu iibiyey raashin iyo biyo dhaamin, waxaana deeqdan socon […]

Continue Reading

C/kariin Guled, Cali Cosoble iyo Sharif Xasan oo looga yeeray Itoobiya (Xog-Muhiim ah)

Sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal Madaxweynahayaasha Maamul goboleedyada Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxdaan ay u yeertay dowlad itoobiya, waxaana la sheegayaa in lagala hadli doono sidii loogu bandhigi […]

Continue Reading

Idaacadda Codka Gobolada Dhexe oo maanta u dabaal dagtay sanad guuradii 7-aad (Sawiro)

Idaacadda codka Gobolada dhexe oo ah Radio ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa u dabaal dagay sanad guuradii 7-aad ee aasaaska idaacada, idacadan ayaa magaalada Cadaado laga hirgaliyey 22 December 2009, waana idaacad ka hadasha wararka iyo horumarka Gobolka, waxayna soo saartay suxufiyiin badan. Xaflada loogu dabaal dagayo sanadguurada 7-aad ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jordan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka looga taliyo dalka Villa Soomaaliya ku qaabilay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Jordan Dr Jawaad Al-Anaani oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Dr. Jawaad ayaa madaxweynaha wuxuu soo gaarsiiyey dhambaal uu uga siday Boqorka dalka Jordan, Abdalla II Ibn Al-Hussein. Arintaan ayaa muujinaysa […]

Continue Reading