C/kariin Guled, Cali Cosoble iyo Sharif Xasan oo looga yeeray Itoobiya (Xog-Muhiim ah)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal Madaxweynahayaasha Maamul goboleedyada Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

cabdikariim_fotor_collage

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxdaan ay u yeertay dowlad itoobiya, waxaana la sheegayaa in lagala hadli doono sidii loogu bandhigi lahaa ajandaha dowladda itoobiya ka leedahay doorashada dalka ka socota, itoobiya ayaa wata musharax ka mid ah musharixiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda itoobiya ayaa la sheegayaa in ay wadato Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo ah mar labaad u sharaxan jagada ugu sareysa dalka, Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in lagu amri doono in ay taageeraan Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Madaxda Maamul goboleedyada horey heshiis ay ula galeen dowlad imaaraatka oo wadata musharixiin kale.