Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday degmada Wajeer gobolka Waqooyi Bari Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Sida ay qorayaan Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaano Hoos yimaada degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay Weerar ay Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Tarbaja oo ku dhow Degmada Wajeer.

Taliyaha Ciidanka ee degaanka Tarbaja ayaa warbaahinta u sheegay in weerar gaadmo ah Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degaanka ,islamarkaana ay labo qof ay toogasho  ku dileen ka dibna ay Carareen.

Inta badan Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan oo mas’uuliyadoodu ay dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.