Kursigii ugu dambeyey beelaha Somaliland oo Muqdisho lagu dooranayo

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland. Doorashada maanta dhaceysa ayaa waxaa lagu dooran doonaa Hal kursi oo keliya, maadaama uu yahay midkii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka Degaanada Soomaaliland, sida ay sheegeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal. Kursigan ayaa waxaa ku tartamaya Labo Dumar […]

Continue Reading

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Qoryooley

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Amisom ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmadaasi. Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Shabaab ay weerareen difaaca ciidamada Amisom ee Degmada Qoryooley, halkaasi oo  labada dhinac rasaas kala duwan isku weydaarsadeen. Ciidamada Amisom iyo Shabaab ayaa […]

Continue Reading

Ganacsade Xalay lagu dilay Beledweyne

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen mid kamid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi. Ganacsadaha la diley ayaa lagu magacaabayey Muumin C/lle Xasan, waxaana lagu dilay xaafadda Kooshin gaar ahaan Laanta Cilmi Loos ee magaalada B/weyne. Dilka kadib waxaa goobta gaarey ciidamo ka tirsan […]

Continue Reading

Akhriso: Magacyada Musharixiinta Madaxweyne ee isdiiwangaliyey (Sawirro)

Diiwaangalinta musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maraysa heer gabangabo ah, waxaana ka haray hal maalin oo kaliya. Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada Musharaxiinta is diiwaan gelisay:- 1- Shariif Sheekh Axmed 2-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke 3- Maxamuud Maxamed Culusow 4- C/qaadir Cosoble Cali 5- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 6- Maxamed Cali Ameeriko 7-  C/naasir Maxamed Cabdulle […]

Continue Reading

Maxay Dumarku u Ooyaan?….

Wax sahlan maaha in jawaab deg-deg ah aan markiiba u keeno su’aasha ah maxey dumarku u ooyaan marka xaalad qabsataba? Alle SW ayaa innaga og oo abuuray, hase yeeshee waxaan idin soo gudbinayaa sheeko aan doorbiday in aan idinla wadaago waxeyna ku bilaabaneysaa sidan: Wiil yar ayaa weydiiyay hooyadii, “Maxaad u ooyaysaa?” Hooyadii ayaa ugu […]

Continue Reading

Alshabab oo qabsaday Saldhiga ciidamada Kenya ee Kulbiyow

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa qabsaday saldhigii ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee magaalada Kulbiyow ee J/Hoose, oo 18 km u jirta xuduudda Kenya. Tobaneeyo dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada ah ayaa la rumeysan yahay in weerarka lagu dilay hase yeeshee weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Tooxyare Nuux […]

Continue Reading

Hormuud oo 600,000$ ugu deeqday Abaaraha

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday 600,000$ dadku abaartu saameysay, waxaana munaasabada magaalada Muqdisho ka dhacday lacagtaas lagu wareejiyey hay’ada Hormuud Foundation oo qaabishan gargaarka iyo taageerada dadka liita. Waa lacagtii ugu badneyd ee shirkad ganacsi ugu deeqdo wax ka qabashada abaaraha, iyadoo horey Hormuud Foundation gargaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin. Gobolada […]

Continue Reading

Sawirro: Sheekh Shariif oo noqday Musharixii ugu horeyey ee isdiiwaangaliya

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday Musharaxii ugu horeeyay ee iska diiwaan geliya Guddiga doorashada Madaxweynaha, maalin kaddib markii Guddiga uu shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha. Sheekh Shariif ayaa buuxiyay shurudihii Musharaxnimada, iyadoo la siiyay shahaadada cadeyneysa Musharaxnimadiisa, iyadoo wixii hada ka dambeeya noqonaya Musharax la diiwaan geliyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh […]

Continue Reading