Daacish oo rakaab kala dagay gaari ka yimid degmada Qandala

Wararka Maanta

daacish

Gaari ka yimid Degmada Qandala gobolka Bari oo ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo warmayaa in ay wadada u galeen kooxda Daacish, oo ay kala degeen qaar ka mid ah Dadkii saarnaa Gaarigaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaarigaan ay saarnaayeen 16 Qof oo 3 ka mid ah ay caruur yihiin, halka kuwa kalena ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Puntland iyo Dad shacab ah.

Kooxda oo aan Rasaas ku furin Gaariga ayaa dadkii saarnaa waxa ay ku amartay in ay soo degaan, iyagoo markii Dambe dhinac ula baxay 9 Qof oo uu ku jiro nin Oday ah, halka Darawalkii iyo Hooyo wadatay caruur ay ku amreen in ay Gaarigooda ku laabtaan, oo ay dhaqaaqaan.

Nin ka mid ah kooxdii hubeysneyd ayaa soo jeediyay in la laayo dadkan oo mudo 7 saac ah ay gacanta ku hayeen, waxaana intaasi kadib baxsatay 5 nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Puntland, waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn 4-tii kale waxa ay ku sugan yihiin nolol iyo geeri.