Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen mid kamid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.
Ganacsadaha la diley ayaa lagu magacaabayey Muumin C/lle Xasan, waxaana lagu dilay xaafadda Kooshin gaar ahaan Laanta Cilmi Loos ee magaalada B/weyne.
Dilka kadib waxaa goobta gaarey ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah oo halkaasi howlgal dad lagu soo qabqabtey ka sameeyey.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Inji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay ciidamada soo qabteen hadda lagu hayo baaritaan, waxaana uu ka gaabsaday inuu shaaciyo dadka gacanta lagu hayo.
Ganacsadaha la diley ayuu sheegay in magaalada Baladweyne uu ka waday mashaariic kala duwan, isaga oo tilmaamay in aan laga hari doonin cid walbo oo dambigaasi dilka ah ku cadaato.
Amniga magaalada B/weyne ayaa maalmaha dambe u muuqday mid kasoo hagaagayey sidii hore walow mararka qaar dilal sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaaladaasi.