Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Qoryooley

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Amisom ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmadaasi.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Shabaab ay weerareen difaaca ciidamada Amisom ee Degmada Qoryooley, halkaasi oo  labada dhinac rasaas kala duwan isku weydaarsadeen.

Ciidamada Amisom iyo Shabaab ayaa isku adeegsaday Madaafiic labada dhinac ay isku tuurayeen, waxaana Madaafiicdaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Labo ruux oo shacab ah ayaa la sheegay inay dagaalkaasi ku geeriyoodeen oo rasaasta ay ugu tagtay guryahooda, waxaa kale oo ku dhaawacmay 7 ruux oo shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa Amisom weli kama aysan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose.

Xilliyada dagaalada noocaan oo kale ah ay ka dhacaan Degmada Qoryooley ayaa Khasaaraha wuxuu ka soo gaara dadka shacabka ah ee guryahooda ku sugan.