Sawirro: Doon sidda Badeecado ganacsi oo ku wajahan dekada Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Doon weyn oo u raran ganacsato Soomaaliyeed ayaa xalay kasoo shiraacatay dalka imaaraatka carabta, doontaan ayaa ku wajahan dekada Hobyo.
Waa doontii labaad shixnad ganacsi u sida Hobyo oo ka soo shiraacata dalkaas, doontaan ayaa sidda gawaari nuucada raaxada ah, raashin, shidaal iyo bagaash, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda gaarto dekeda Magaalada Hobyo, ganacsatada Galmudug ayaa dadaal badan ku bixinayey sidii ay badeecado ugula soo dagi lahaayeen dekada Hobyo, waxa ayna sameeyeen guddi ka shaqeeya horumarinta dekeda.

Dhanka kale Madaxda Galmudug ayaa ku guuldareystay in ay dadaalkii laga filayey dhankooda, waxaana muuqata in shacabku isku tashi sameeyey oo aysan isku haleyn Madaxda.

Dib u howlgalinta dekada Hobyo ayaa waxaa kaalin weyn kulahaa xayiraada Puntland kusoo rogtay badeecadaha u gudba gobolada koofureed.

FB_IMG_1485630139577 FB_IMG_1485630129923 FB_IMG_1485630120962