Khataraha Adeegga EVC Plus uu ku leeyahay Amniga qaranka

Wararka Maanta

images

Shirkado isgaarsiin oo badan ayaa waxay bixiyaan adeegg xawaalad lacageed ku saleysan taleefanka gacanta maadaama uu aad usoo kordhay adeegsida taleefonadda gacanta , 40% ayay gaarayaan dadka qaangaarka ee isticmaala adeegga xawaaladaha mobile ka taasoo fududeysay lacaga is dhaafsiga waxayna kobcisay arintaas dhaqaalaha wadanka marka dhan laga eego .

Laakiin hadana kama marna khataro fara badan oo dhib ku ah isticmaalayasha adeegan iyo amniga wadanka guud ahaan .maadaama eeysan jirin nidaam maaliyadeed ee xakmeyn kara lacagahaan ayna dhici karto in ururka argagixisada shabaab ay ka dhigtaan qaabka ay isugu diraan lacagaha lagu dhibaataynaayo ummadda soomaliyeed iyo jiritaankeeda , maadaama culays dhaqaale uu haysto ururkan oo meelihii illaha dhaqaale u ahayd ay kala wareegeen ciidamadda xooga dalka soomaliyeed sida dakadda baraawe iyo kismaayo oo u ahayd ilo dhaqaale .

Warbixintaan waxay xooga saareysaa afar qeybood oo kala ah .

  1. Shirkadaha isgaarsiinta ee soomaliya

Dhowr shirkadood isgaarsiin ayaa waxay bixiyaan adeegga isgaarsiinta mobileka , land line ka , internet iyo xawaaladda mobile ka ku salaysan sida shirkadda Hormuud , Nationlink , Somtel.shirkadda hormuud ayaana ah shirkadda ugu xoogga badan koonfurta iyo bartamaha soomaaliya dhinacyadda isgaarsiinta .

  1. Noocyadda xawaaladeed ee shirkadaha ay bixiyaan
  2. a) Adeegga sahal waxaa bixisa shirkadda isgaarsiinta GOOLIS ee ka howl gasha maamul goboleedka soomaliyeed ee puntland
  3. b) EVC – PLUS waxaa bixisa shirkadda isgaarsiinta HORMUUD ee ka shaqeysa koonfurta iyo bartamaha somaliya
  4. c) Adeegga ZAAD waxaa bixisa adeeggan shirkadda isgaarsiinta Telesom ee ka howlgasha Maamulka Somaliland ee goboladda waqooyi
  5. d) Adeegga E-MAAL waxaa bixisa shirkadda isgaarsiinta ee NATIONLINK ee ka howlgasha goboladda dalka

Adeegga EVC – plus ee ay bixiso shirkadda hormuud ayaa ah midka ugu magaca dheer uguna isticmaalka badan marka loo eego shirkadaha kale sidaa darteed adeegga EVC- plus wuxuu wax badan fududeeyay adeegga ganacsi ee dalka iyo beeqaaminta waqtigii lagu bixin lahaa lacag kala qaadashada .

  1. Wanaagga adeegga EVC- plus
  • Adeegga EVC wuxuu u fududeynaa macmiilka in uu helo adeeg xawaalad oo raaxa leh ayna kujirto degdegsiimo aan habsaan lahayn
  • Wuxuu u fududeynayaa macmiilka isticmaala adeeggan in uu ku bixiyo qarashaadka biilka iyo korontadda iyo wixi la mid ah isaga oo fadhiya xaruntiisa ama xafiiskiisa daqiiqada kooban gudahood .
  • Adeeggan wuxuu macmiilka u fududeynayaa in uu kaga badbaado qataraha amniga ee soo wajihi kara hantidiisa isagoo ku keedsanyaa lacagaha Mobilkiisa.
  • Adeeggan wuxuu kaloo ka qeybqaataa fududeynta iyo kobcinta ganacsiga iyo ka illaalinta hantida boobka iyo dhaca .

Dhibaatooyinka adeegga EVC – plus

  • Waxay u fudeynayasaa ururka Al- shabaab ee argigixisada ah iyo kuwa ka shaqeeya qarbudaadda in ay si xuriyad leh isu dhaafsadaan lacagaha lagu fulinaayo howlaha argagixiso ee lagu dhibaataynaayo ummadda soomaliyeed maadaama aysan jirin cid si gaar ah ugu xilsaaran lasocodka dhaqdhaqaaqa maaliyeed ee taleefanadda gacanta.
  • Waxay fudeyneysaa adeegsiga lacagaha sharci darrada iyo bixinta laaluushka iyo lacagaha ku socda jihooyinka qaldan.
  • Waxay caqabad ku tahay canshuur qaadista maadaama aan laga warhayn nooca iyo qaabka ganacsi ee dhex maraaya labadda qofood.
  • Adeeggan wuxuu sahlayaa in shirkadaha isgaarsiinta ay gacanta ku dhigaan hantida shacabka iyadoo aanay jirin la xisaabtan cad.
  • Adeeggan wuxuu Qatar ku yahay sii jiritaanka shillinka soomaliga maadaama uu ku saleysanyahay dollar .
  • Adeeggan wuxuu u fududeeyaa ururadda argagixisada iyo kuwa ka shaqeeya xasilooni la’aanta somaliya qarinta illahooda dhaqaale .
  • Adeeggan wuxuu sahlayaa in ururka al shabaab ay baadda oga qaadaan shacab soomaliyeed iyadoo ay adgtahay in la ogaado iyagoo ka dhigaaya inay tahay Zako.
  • Adeeggan wuxuu wiiqayaa awoodda iyo kaalinta bankiga dhexe ee soomaliya ee soo kabnaaya waayahan dambe.
  • Adeeggan wuxuucaqabad ku yahay in la ogaado dambiilayaasha isu dirayaa lacagaha si ay u fuliyaan howlo kadhan ah amniga dalka maadaama aanay shirkadda ka haynin xog dhameystiran macaamiisheeda

TALA BIXIN

  1. In loo sameeyo nidaam iyo siyaasad cad oo ay ku shaqeeyaan shirkadaha isgaarsiinta dalka
  2. In lawaafajiyo nidaamka lacageed ee uu dalku leeyahay isla markaana uu bankiga dhexe ee dalka uu udub dhaxaad u noqodo dhaqdhaqaaq kasta ee maaliyadeed ee dalka ka jira
  3. Bangiga dhexe ee dalka waa jihadda kaliya ee awoodda u leh samaynta lacago iyo sohdimeeynta sarifka
  4. Shirkadaha wa inay ka hayaan macmiil kasta xog dhameystiran taas oo fududeyneysa tixraac dambe hadii loo baahdo
  5. Isticmaalka lacagaha ajnabi wuxuu Qatar ku yahay nolosha ummadda somaliyeed iyo inuu dhoco sicir barar baahsan sida marar badan dhacday.
  6. Shirkaduhu wa iney qeyb ka noqdaan dadaalka soo celinta dowladnimadda Somalia iyo ladaagalanka argigixisada iyo qarbudaada iyagoo u fududeynaaya laamaha amniga xogaha muhiim u ah ee ay u baahan yihhin.
  7. Shirkaduhu wa iney xog aad u tifaftiran ay ka hayan ajaanibta isticmaasha adeegooda ayna la wadaagaan laamaha amniga si looga warhaayo dhaqdhaqaaqa ajnabiga.

Dhamaad

Waxaa qoray: Jibriil Alkutuby