Sawirro: Cali Gacal iyo M.Xaashi oo xilkii laga qaaday

Shir ay caawa isugu yimaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa ka dhacay hoolka shirarka Madaxtooyada, fadhigaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 1-aad Xareed Cali Xareed. Kulanka ayaa looga dooday saddex ajende oo kala ahaa: Faragelinta Dowladda federaalka ah ay ku wado Galmudug Kalsooni kala noqoshada Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. […]

Continue Reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta furaya Saldhiga Ciidamada Turkiga

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomalaiya  ayaa furaya  Saldhigga ciidan  ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya. Saldhigan ayaa ah kan ugu weyn ay Turkigu ku leeyihiin qaaradda afrika.  waxaana maanta si wada jir ah u furi doonta  Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo dhawaan soo […]

Continue Reading

Cadaado: Maxaa ka cusub khilaafka Madaxda Sare Galmudug?

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare dowlad goboleedka Galmudug ayaa gaaray Meel sare, waxaana xildhibaanadii Xamar ka yimid ku guul dareysteen in ay xaliyaan khilaafka xargo goystay, Xildhibaanada Galmudug ayaa kala taageersan labada kooxood, waxaana shalay Magaalada Cadaado ku shiray Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweyne Xaaf, iyagoo ku eedeeyey in Xildhibaanada Federaalka ah ee Cadaado ku […]

Continue Reading

Dhexdhexaadintii Madaxda Galmudug oo fashilantay (War-Saxaafadeed)

Warsaxaafadeed ay goordhow soo saareen xildhibaanadii iyo senatoradii u yimid Cadaado Xalinta khilaafka Galmudug ayay ku cadeeyeen in ay fashilantay dhexdhexaadintii ay wadeen. Xildhibaanada ayaa cadeeyey in Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka ay si cad u diideen wada hadalka iyagoo ka shidaal qaadanaya Madaxtooyada Villa Somalia. Halkaan ka aqriso war murtiyeedka.

Continue Reading

Madaweyne ku xigeenka Galmudug oo ka hor yimid go’aankii Madaxweyne Xaaf

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo nuqul ka mid ah soo gaaray warqabadka shabakadda Ceelhuur.com ayaa lagu sheegay in ay fasax yihiin duulimaadyada imaanayey deegaanada Galmudug, warqadan ayaa ka hor imaanaysa mid uu xalay soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo lagu joojiyey duulimaadyada ka imaanayey Muqdisho. Dhanka […]

Continue Reading

Galmudug oo joojisay diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho

Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa lagu joojiyey duulimaadyadda ka imaanaya Magaalada Muqdisho, marka laga reebo diyaaradaha sida gargaar iyo kuwa AMISOM. Joojinta diyaaradaha ayaa muujinaysa in Madaxweyne Xaaf uga hortagayo faragalinta dowladda Federaalka, oo siyaasiyiin iyo lacag usoo direysa Galmudug si ay xilka uga tuuraan Mr. Xaaf.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Dhexdhexaadinta Madaxda Galmudug

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa todobaadkan lugaha la gashay khilaaf siyaadeed, kadib markii Madaxweyne Xaaf taageeray isbaheysiga Sucuudiga. Khilaafka ayaa gaaray in xildhibaanada qaar sheegaan in ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale. Shalay Cadaado ayaa waxaa yimid xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka, waxaana ay kulamo isdaba joog la qaateen Madaxda Galmudug, kulamada oo waqti badan qaatay […]

Continue Reading

Sawirro: Wafdigii uu hogaaminayey Abshir Bukhari oo la kulmay Madaxda Galmudug

Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado wafdi xildhibaano ah, oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka 1-aad aqalka sare Barlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari. Wafdiga ayaa kulamo saxaafaddu dib joog ka aheyd la qaatay Madaxda Galmudug. Ugu horeyn wafdiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, iyagoo ka dhageystay xaaladda khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxda […]

Continue Reading

Xildhibaanada Galmudug oo xilkii ka Qaaday Xaaf

Xildhibaano Katirsan Barlamaanka dowlad goboleedka  Galmudug oo Caawa ku shiray Hotel Mansoor magaalada Cadaado ayaa  Xil ka Qaadis ku sameeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Axmed Yuusuf Ciyow oo Si KMG ah u Shir Gudoominayay kulanka Xildhibaanada ayaa Sheegay in 52 Xildhibaan ay Kalsoonida Kala Laabteen Madaxweyne Xaaf, halka 1 Xildhibaana uu Diiday, 2 […]

Continue Reading