Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomalaiya ayaa furaya Saldhigga ciidan ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya. Saldhigan ayaa ah kan ugu weyn ay Turkigu ku leeyihiin qaaradda afrika. waxaana maanta si wada jir ah u furi doonta Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.
Saladhigan ayaa lagu bilaabi doontaa tababarka ciidan gaaraya 1,500 askari oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya, waxaana tababari doonta saraakiil Turki ah, Saldhigan ayaa loo dhameystiray dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa, sida goobaha lagu tababaro askarta, guryaha saraakiisha iyo askarta, xafiisyo, garoon lagu ciyaaro iyo goobo kale.
horey waxaa loo qorsheeyey in uu saldhigan furo Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, balse waxaa muuqata in uu baaqday safarkiisa, waxaana badalkiisa furi doona Taliyaha ciidamada Turkiga.