Galmudug oo joojisay diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ayaa lagu joojiyey duulimaadyadda ka imaanaya Magaalada Muqdisho, marka laga reebo diyaaradaha sida gargaar iyo kuwa AMISOM.

Joojinta diyaaradaha ayaa muujinaysa in Madaxweyne Xaaf uga hortagayo faragalinta dowladda Federaalka, oo siyaasiyiin iyo lacag usoo direysa Galmudug si ay xilka uga tuuraan Mr. Xaaf.