Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Cadaado

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa inuu goordhow gaaro magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug, Xaaf oo maalmahaan ku sugnaa imaaraatka carabta ayaa saaka kasoo kicitimay halkaas, isagoo toos u imaan doona Cadaado. Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa ku sugan Masuuliyiin iyo […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Bulshada Rayidka Galmudug oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Jilayaasha aan dowliga aheyn ee dowlad goboleedka Galmuduga Khadar Biciid oo la soo xariiray Warqabadka Shabakadda Ceelhuur.com ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay gobolka Mudug, Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay u istaagaan sidii loo damin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay deegaanadaas oo dhawaan heshiis ka gaareen labada […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Madaxda Galmudug oo meelsare gaaray.

khilaafka Madaxda Sare ee dowalad goboleedka Galmudug ayaa gaaray meel sare, waxaana wali deegaanka ka maqan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal ayaa ku sugan Cadaado caasimadda kumeelgaarka ah Galmudug. Khilaafka Madaxda sare Galmudug ayaa waxaa lug ku leh dowladda federaalka […]

Continue Reading

Sawirro: RW Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arimaha dibada China

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  Xassan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Newyork ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka China. Labada dhinac ayaa  ka wada hadalay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal isla markaana loo badin lahaa mashaariicda Dalka China ka fulinayso Soomaaliya si dalka dhaqaalihiisa iyo shaqo abuurka saro loogu qaadi lahaa. Sidoo […]

Continue Reading

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Madaxda Galmudug?

Saacidihii la soo dhaafay waxaa soo shaacbaxay khilaaf u dhaxeeya hogaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug, khilaafkaas oo ku qotoma taageerada xulufuda sucuudiga iyo Qadar. Madaxwenaha Galmudug Axmed Ducaale oo imaaraatka safar qarsoodi ah ku tagay ayaa warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu taageersan yahay xulufada sucuudiga iyo imaaraatka carabta, waxaana muuqatay in […]

Continue Reading

Xaaf: uma dulqaadan doono faragalinta Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha

Madaxweyne Xaaf oo dawladda federaalka uga digay faragalin uu sheegay inay ku hayso maamulkiisa kadib markii kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamanka Galmudug ay ku gacan seyreen go’aan uu ku sheegay inuu kula saftay isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadku horkacayaan ee go’doominta ku haya dalka Qatar. War saxaafadeedka halkan ka akhriso. Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku […]

Continue Reading

Madaxda Galmudug oo isku khilaafay taageerada Sucuudiga (Aqriso)

Madaxda sare ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa isku khilaafsan waxa laga yeelayo khilaafka wadamada Khaliijka, warqad kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo xafiiska warbaahinta Madaxtooyada la wadaagay saxaafadda ayaa lagu taageeray Wadamada Sucuudiga iyo Imaaraatka carabta. Dhanka kale Waxaa Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka Galmudug Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi […]

Continue Reading

Golaha Wasiirada DFS oo ka shiray Khilaafka Khaliijka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano lagu ayidayo mowqifkii dowladda ka qaadatay khilaafkii Khaliijka, kaasoo ahaa mid dhex dhexaadi ah. Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, kadibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey […]

Continue Reading

Sawirro: Wasiir Juxa iyo UN-ka oo kawada hadlay dhaqaajinta heshiisyadii Galmudug iyo Puntland

Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha iyo Federaal mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiskiisa  ku Qaabilay madax ka kala socotay Hay’adaha UNSOM, UNDP iyo Safaaradda Sweden, waxayna kawada hadalleen Dhaqaajinta iyo Taabagelinta Heshiisyadii ay Puntland iyo Galmudug ka gaareen nabada Magaalada Gaalkacyo. Labada dhinac ayaa isku Afgartay in la xoojiyo heshiisyda loona qabto sida ay Ku […]

Continue Reading

Galmudug oo taageertay Sucuudiga & Imaaraatka (Akhriso)

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa cadeysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka wadamada khaliijka, waxaana warqad ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug lagu cadeeyey in ay taageersan yihiin xulufada sucuudiga iyo imaaraatka, warqadan oo ku taariikheysan 19 September ayaa sax ahaanshaheeda waxaa u xaqiijiyey shabakadda ceelhuur.com masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug. Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa […]

Continue Reading