Sawirro: Wafdigii uu hogaaminayey Abshir Bukhari oo la kulmay Madaxda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado wafdi xildhibaano ah, oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka 1-aad aqalka sare Barlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari. Wafdiga ayaa kulamo saxaafaddu dib joog ka aheyd la qaatay Madaxda Galmudug.

Ugu horeyn wafdiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, iyagoo ka dhageystay xaaladda khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxda Sare Galmudug. intaas kadib ayey wafdigu la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Barlamaanka.

Kulmada oo waqti badan qaatay ayaa la filayaa inay sii socon doonaan caawa ilaa beri, iyadoo kolka ay soo idlaadaan ay wafdigu la hadli doonaan warbaahinta si ay ugu bandhiga natiijada howshooda, sidoo kale wafdiga ayaa la kulmi doona Xildhibaanada, Wasiirada iyo  Bulshada Galmudug, iyagoo is weydaarsan doonaan habka lagu xalinayo khilaafka taagan.

Mudanayaashaan Cadaado soo gaaray ayaa kala ah

  1. Senator Abshir Bukhaari
  2. Xildhibaan Mahad Maxamed Salad
  3. Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye
  4. Xildhibaan Axamed Macalin Fiqi
  5. Senator Cabdi Xassan Cawaale qeybdiid
  6. Xildhibaan Xasan Macalin
  7. Xildhibaan Cabdiwali Qanyare
  8. Xildhibaanad Sahro Cumar
  9. Senator Jawaahir  Axmed Cilmi
  10. Xildhibaanad Marayan
  11. Xildhibaan Warsame Maxamed Cabdi (Joodax)

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco ceelhuur.com