Xildhibaano Katirsan Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo Caawa ku shiray Hotel Mansoor magaalada Cadaado ayaa Xil ka Qaadis ku sameeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf
Axmed Yuusuf Ciyow oo Si KMG ah u Shir Gudoominayay kulanka Xildhibaanada ayaa Sheegay in 52 Xildhibaan ay Kalsoonida Kala Laabteen Madaxweyne Xaaf, halka 1 Xildhibaana uu Diiday, 2 ay ka Aamuseen
Xildhibaanada ayaa sheegay in Xilka Madaxweynaha Galmudug uu Si KMG u Sii heyn Doono Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi
Galmudug ayaa marti galinaysaa hardan siyaasadeed oo ay ku lug liyihiin madaxda dowladda federaalka ah, waxaana Caawa Madaxtooyada Galmudug ka socda shirar isdaba joog ah. Iyadoo laga war sugayo jawaabta Madaxweyne Xaaf.