Cristiano Ronaldo Oo Rajo Ka Qaba In Real Madrid Ay Ku Guuleysato UCL Seddaxaad Oo Xiriir Ah

Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo ayaa rajo ka qaba in Real Madrid ay ku guuleysato horyaalka yurub ee Champions Leaguemarkii seddaxaad oo isku xigta  ka dib markii ay wareega group-yada kasoo baxay iyadoo 3-2 kaga badisay Borussia Dortmund habeenkii arbacada.

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda gool ka dhaliya lixda kulan ee Champions League markii uu ka dhaliyay Dortmund kulankii Bernabeu.

Los Blancos ayaa ku dhibtooneysa inay ku soo celiso qaab ciyaareedkeeda xilli ciyaareedka 2016-17 bilawgii xilli ciyaareedkaan, laakiin Ronaldo ayaa sheegay in kooxdiisa ay diirada u saaran tahay Champions League kale.

“Waxaan rajeyneynaa inaan mar kale ku guuleysan karno Champions League, waxa muhimka ah waxa ay aheyd inaan mareyno wareega group-ka, waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Champions League” ayuu Ronaldo u sheegay suxufiyiinta.

Ronaldo ayaa durbaba dhaliyay sagaal gool Champions League xilli ciyaareedkan, laakiin kaliya labo gool ayuu dhaliyay 10 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkaan.