Xog:Lacagihii Dowladdu Siinjirtay Maamul Goboleedyada oo la hakiyay

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay lacagihii ay siin jirtay bil walba Maamul goboleedyada ka jira dalka.

Qoondada lacag bileedka la siiyo Maamul goboleedyada ayaa gaareysay $150,000 (Boqol iyo konton kun oo dollar), waxaana lacagtan ay toos ugu dhaceysay jeebka Madaxda maamul goboleedyada.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ku soo rogtay in Maamul goboleedyada inay keenaan xisaab xirka lacagihii horay loo siiyay, kaddib markii ay su’aal badan ka timid qaabka lacagahaas lagu maareeyay.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka dalbatay Wasaaradaha maaliyada maamul goboleedyada inay keenaan miisaaniyadda ay ku shaqeynayaan, si qoondada lacageed ee dowladda bil walba bixiso ay qeyb ugu noqoto.

Labadii bil ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in la hakiyay lacagaha si toos ah maamul goboleedyada loo siin jiray, balse maamulka Hirshabeelle ayaa ahaa maamulkii u horeeyay ee laga hakiyay lacagahan bilihii June iyo July, xilligaas waxaa madax ka ahaa Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la xisaabtanto maamul goboleedyada, gaar ahaan fulinta mashaariicyo taagan oo aan wali la fulin, iyo arrimo kale oo maaliyadeed, sida mushaaraadka Xildhibaanada, Ciidamada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Wasaaraddaha Maaliyadda ee Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay maamuli doonaan lacagaha qoondada bilaha, isla markaana ay keenaan qorshe howleed iyo xisaab xir, si aanay mar dambe lacagaha loogu gacan gelin Madaxda maamul goboleedyada.

Arintaan ayaa yareneyso awoodaha xad dhaafka Madaxda dowlad goboleedyada qaar oo ah kuwo xilligan siyaabo kala duwan u adeegsada lacagaha qoondada bilaha ee dowladda Dhexe bixiso. Inta badan Maamul Goboleedyada ayaa Xikigaan ka horyimid Mowqifkii Dhex dhexaadnimo ee khilaafka Wadamada Khaliijka ayagoo la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka waxayna  sii dheerayn kartaa in  lacagahaasi hakis kusii jiraan