Alshabaab oo weeray Madaafiica Ku Qaaday Saldhin Ciidamada Jabuuti Ay kuleeyihiin Jalalaqsi

Wararka Maanta

Al Shabaab ayaa tiro Madaafiic ah waxa ay  ku weerareen Saldhigyada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ammaanka.

Madaafiicdaan ayaa la sheegay Shabaab inay ka soo tuureen duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay ku dhaceen qaarkood Saldhiga ciidamada Jabuuti.

Ilo degaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jabuuti madaafiicdaasi ay ka soo gaareen Khasaare, islamarkaana dhaawacyo saaka loo qaaday dhanka Magaalada Baledweyne.

Saraakiisha Dowladda ayaa ka gaabsaday inay faah-faahi ka bixiyaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda Shabaab ay ku weerareen Saldhiga ciidamada Jabuuti ee Magaalada Jalalaqsi.

Xoogagii Shabaab ka tirsanaa ee Madaafiicda ku weeraray Saldhiga ciidamada Jabuuti ayaa ka cararay duleedka Magaalada Jalalaqsi, markii Madaafiicdaasi ay ku weerareen Magaalada.