Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed xaashi cabdi ayaa xalay shir gudoomiyay kulan looga hadlayay wax ka qabashada abaaraha ka jira deeganada Galmudug, Shirkaan ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada cadaado.
Kulan oo ay goob joog ahaayeen gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug, xildhibaano, wasiiro, Maamulka degmada Cadaado, Culimada deegaanka iyo waxgarad kale ayaa diirrada lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka jira abaar ba’an, dadka xooluhu ka dhamaadeen ayaa soo galaya magaalooyinka, xerooyin barakac ayaa ka sameysmay magalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb, Godinlabe, Galkacyo, iyo Baxdo.
Dadka qaar ayaa xoolahooda ula hayaamay deegaanada Somaliland iyo Puntland, diidmada lacag Soomaaliga ah ayaa uga sii dartay xaaladda, halka dadka qaar ay kasoo barakaceen deegaanada ku hareeraysan degmada Xarardheere iyagoo baxsad ka ah ururka Alshabaab.