Madaxweynaha Gas oo lakulmay wasiiradii Kalsoonida Lagala Noqday

Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay Golihii wasiirada Puntland ee xasaanada laga qaaday.

Kulanka uu Madaxweyne Gaas la qaatay Wasiirada wuxuu ahaa mid laga soo horumariyey kii todobaadlaha ahaa ee caadiga, Khamiis kastana la qaban jiray.

Madaxtooyada Puntland kulankaasi wax war-murtiyeed ah kama aysan soo saarin, balse wararka la helayo waxa ay sheegayaan in looga hadlay waxa dhacay iyo tillaabada xigta.

Wariyaha Risaala ee magaalada Garowe ayaa soo sheegaya Wasiirada in loo sheegay inay shaqada sii wadaan inta ay imaanayaan Golaha Wasiirada cusub ee iyaga bedeli doona.

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.