Axmed Madoobe oo Diyaarinaya Guluf ka dhan ah Alshabaab

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa booqday saldhiga ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Dhoobley gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa yiri:” dhowaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay”.

Madaxweyne Madoobe waxaa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay dharbaaxo kulul ay ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen, isaga oo ammaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada Jamaame kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, wuxuu ku dheeraday in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.