Al-shabaab oo weerar dhaba gal ah ku qaaday kolonyo ciidanka dowlada ah

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda oo ka baxay Afgooye, kuna sii jeeday deegaanka Sabiid ay Al-Shabaab wadada u galeen.

Labada dhinac ayaa dagaal qaatay muddo saacad uu ku dhex maray deegaanka Cumar Dheere ee duleedka Afgooye, waxaana wararku sheegayaan in la isu adeegsaday hub aad u culus oo laga maqlayay gudaha Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu ka dhashay dagaalka, inkastoo xilli habeen ay aheyd, waxaa aad u adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac, maadaama uu dagaalka ahaa mid culus.

Ciidamada dowladda ayaa todobaadyadii u dambeeyay howlgalo ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyagoo Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah, sida Sabiid, Bariire iyo Awdheegle.