Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan aan caadi aheyn

Wararka Maanta

Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, waxaana shirka lagu ansixiyay hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika ee khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Xeerkan ayaa waxaa Golaha Wasiirada horgeeyay kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mahada Cabdalla Cawad, mana jirin cid diiday, iyada oo ugu dambeyn ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay hab maamuuska ay leeyihiin Midowga Afrika ay Soomaaliya Gudoomiye ka tahay, kuxigeena ay ka tahay Gabar ka soo jeeda Jabuuti, aadna uu muhiim u ahaa in la ansixiyo.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha wuxuu warbixin ka siiyay safarkii uu ku tagay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, wuxuuna sheegay in Dowladda Belgium-ka ay aaminsan tahay in ay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu Golaha Wasiirada kahor sheegay in Miisaaniyadda Dowladda lagu kordhiyay lacag dhan Boqol Milyan oo Dollar, taasina ay tahay guul weyn.

Wasiirka Kuxigeenka Amniga Soomaaliya C/naasir Saciid oo warbixin amniga ku saabsan laga dhageystay ayaa waxa uu sheegay in xasilinta caasimadda Muqdisho ay meel wanaagsan marayaan, ayna dardar gelinayaan.

Ugu dambeyn Golaha ayaa waxa ay warbixin ka dhageysteen Guddiga loo xil saaray fatahaada Wabiga Shabeelle oo uu Gudoomiye u yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, waxaana ay Goluhu sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay wax walba ku bixin doonto fatahaadaha Wabiyada.