Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa kulan la qaatay Hugaamiyaaha Maamulka la magacbaxay Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xassan iyo Wadaadka lagu Xanto in talada Ahlu-Suuna ka godo Macalin Maxamud.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garad oo sida Caadada ah bartiisa Facebook ku qora kulamada iyo howlaha Wasaaradda ayaa sidan qoray
Waxaan kulan kula qaatay Nairobi, laba mas’uul oo sare oo Ahlu Sunna ah. Waa Macallin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir.Si gaar ah waxaan isaga wareysannay marxaladda siyaasadda iyo dib u heshiinta siiba Goballada Dhexe.
Kulanka Yusuf Garaad iyo Madaxda Ahlu-Suuna ayaa imanaaya Xili urur Goboleedka IGAD isku dayayso is fahan ka dhax dhaca Galmudug iyo Maamulka Dhusa-mareeb.