Xukuumadda Soomaaliya oo dalka ka eriday Wakiilka Midowga Afrika

Wararka Maanta

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madeira.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo”.