Faafaahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Wararka Maanta

Faafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta barqadii ka dhacay bar Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay inay arkeen dhimashada illaa 5 ruux oo askar u badan, kuwaasi oo yaalay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray Sarkaalad lagu magacabo Faay Cali Raagge & Saygeeda oo wada socday, oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka, islamarkaana gaari ay saarnaayeen goobtaasi maraayay.

Sidoo kale askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaasi oo qaarkood la socday ama ilaalo u ahaay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo gaadiidkii ay la socdeen meesha uu taagnaa xilliga qaraxa uu dhacaayay. Xildhibaanada dhaawacmay ayaa magacooda lagu sheegay Xildhibaan Maryan Cariif iyo Xildhibaan Shabeel.

Qaraxan gaariga loo adeegsaday ee maanta barqadii ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo ammaanka Magaalada si wayn loo adkeeyay, islamarkaana Ciidamada amniga ay ku jireen xaalad feejignaan Sare ah.