Xildhibaan Zakariye Xaaji” Gudoonka iyo Xildhibaanadu waa wada Musuq

Wararka Maanta

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka sheegay in Gudoonka Aqalka hoose uu hor istaagay Mooshinkii ay 23 bishii September ka keeneen tiro kamida Xildhibaanadu Faragalinta Dowladda Imaaraadku ku hayso arimaha Soomaaliya.

Xildhibaanka oo si kulul uga hadlay arintaan ayaa yiri” 23 bishii September waxaan soo gudbinay Mooshin ka dhan ah Faragalinta Imaraadku ku hayo Soomaaliya ilaa hada cid isku soo qaadaay xitaa malaha Gudoomiyaha Baarlamaanka waan u tagay waxaan waydiiyay Sababta looga doodi la yahay Mooshinka oo ay saxiixeen tiro ka badan Xildhibaanadii laga rabay saxiixa waxuu Gudoomiyuhu iigu Jawaabay aan wadahadalno.

Xildhibaan Zakariye oo wax laga xumaado ku tilmaamay Jawaabta uu kala kulmay Gudoomiye Jaawri ayaa yiri”Ilaahban idinku dhaarshee maxaa keenay wadahadal Mooshin ka doodis u baahan sow Musuq-maasuq cad maaha. Baarlamaankii naga horeeyay ee 9-Sagaalaad ayagoo Lix bilood u hartayba inta surweelkii iyo shaarkii laga siibay fadhiid laga dhigay anaga 9-bilood kaliya an joogna waxaana nahay sidii rag Madal doorasho sugaya waxaad arkaysa kuwo ku dhahaya 90% Maamulada ayaa Dalka ka taliya oo madaxwayne Gobol oo soo dagaya Garooonka uga hoortagaya war awooodina garta 275-teena ayaa Dalka Maamulna Madaxwaynaha anagaa dhalnay Ray’iisul Wasaaraha anagaa dhalnay Golaha Wasiirada sidoo kale ee garta.

Gudoonku waa Musuq Xildhibaanadu waa musuq war ilahay ka baqa Xilkiina si daacada u guta waad aragtaan in la dhimanayo maalin walba oo an soo aasayno ehelkeen iyo Asxaabteen wiliba Xamar Malagu waa saran yahay ee an all ka cabsano.

Hadalka Mudanahaan ayaa muujinaya Shaqa xumada Baarlamaanka iyo sida layska indha tiro Mooshinada Xasaasiga ah waxaana Muuqata in Dowladda Imaaraadka oo adeegsanaysa Shaqsiyaad kamid Golaha Shacabka ay ku Guulaysatay baabi inta Mooshinka ka dhan ka ah Faragalinta Siyaasadeed ee ay ku hayso Soomaaliya.