Xildhibaan Mahad Salaad;”Ma Xalbaa Xasuuqa Ceel Saliini”

Wararka Maanta

Xildhibaan Mahad Salad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugaga hadlay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen Ceel Saliini halkaas oo ciidamo badan ay ku dhinteen.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa cinwaan uga dhigey qoraalkiisa;

XASUUQA CEEL SALIINI ma xalbaa dowladu bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?!

Hubkaan iyo gaadiidkaan waxaa Alshabaab ku qaateen wareerkii maalintii Arbacada ay ku qaadeen Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale sawirada gaadiidkaan waxaa wehliyay sawiro kale oo laga qaaday askar meyd ah iyo kuwa inta nolosha lagu qabtay si arxan daro ah loo dilayo.

Alshabaab waxay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 42 askari oo katirsan ciidamada dowlada, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub aad u farabadan.

Dowlada Federaalka ilaa hada sooma hadal qaadin qasaaraha naf iyo maalba leh ee ciidamadeena soo gaaray. Umana tacsiyeen eheladii askartii meeshaas lagu laayay. Shan bilood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale Alshabaab ciidamada dowlada ku xasuuqeen Ceel Saliini, gadiid iyo hub farabadana ku qaateen. Intii yareed ee ka badbaaday xasuuqana xabsiyada ayay dowladu u taxaabtay!

Hadaba waxaa in la iswaydiiyo mudan wiilashaan maalin walba Xamar iyo labada Shabeelle laga sii daabulayo ee Alshabaab xeryaha inta loogu xareeyo hadana ku xasuuqayaan, dowladu ma xalbay bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?!