Xiisado ka taagan Deegaanada Maamulka Somaliland

Wararka Maanta

Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay galabta iyo caawa Magaaladda Burco, ka dib markii Afhayeen u hadlay xisbiga  Wadani uu sheegay in doorashada la Musuqmaasuqay ayna jirto ku shabasho gaar ahaan gobolada Gebiley iyo Hargeysa.

Wakiillada xisbiga Waddani u qaabilsan xarunta guddida doorashada ayaa sheegay inay tallaabadan u qaadayaan ka dib markii guddida doorashadu uu iska indho tiray cabashooyin la xiriira, waraaqo aan sax ahayn oo lagu codeeyey oo laga dhex helay sanaaduuqda codbixinta.

Guddoomiyaha xisbiga wadani C/raxmaan Cirro oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyaan.

Wuxuu sheegay inuu amray dhammaan howlwadeenada xisbiga wadani inay joojiyaan wadashaqayntii ay la lahaayeen guddiga doorashada inta laga jawaabayo cabashadooda, lana saxayo isagoo gu baaqay taageerayaashiisa inay ka warsugaan.

Xaalado kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo kuwo kale oo ka tirsan Somaliland, meelaha qaarna taageerayaal careysan ayaa isugu soo baxay.

Guddida doorashada Somaliland ayaa isna maanta ka hadlay halka ay marayso tirinta codadka doorashada madaxtooyada ee qabsoontay Isniintii la soo dhaafay.

Afhayeenka guddidaas Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay jirin sanaadiiq la joojiyay amma la kansalay codadkooda.